Maamulka islaamiga ah ee gobollada jubooyinka ayaa digniin kulul u diray dad uu sheegay in ay telefonnada uga hanjabaan shacabka ku dhaqan magaalada kismaayo.

Posted on Nov 14 2009 - 5:41am by News Desk
Tweet
Pin It

bartamaha

Shir jaraa’id oo uu saaka qabtay madaxa warfaafinta maamulka islaamiga ah ee gobollada jubooyinka sheikh Xasan yacquub cali ayuu digniin u diray dadkaasi uu sheegay in ay telefonnada dadka uga hanjabaan. 

Sheikh xasan yacqub ayaa sheegay in ay baaritaanno ku hayaan dadka ka danbeeya arintaasi isagoona sheegay in cidii ay ku helaan in ay ku lugleedahay arintaasi ay marsiin doonaan waxa ay ka qabto shareecada islaamka.

Sidoo kale afhayeenka ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan magaalada kismaayo in ay is dejiyaan iskana hubiyaan cida soo wacday.

Sikastaba ha ahaatee Waxaa dhawaanahan isa soo tarayay hanjabaadaha la isku mariyo qadka telefonka waxaana ay arintaasi cabsi aad u weyn ku abuurtay bulshada ku dhaqan gobolka j/hoose balse maamulka islaamiga ah ee gobollada jubooyinka ayaa arintaasi ka dhiidiyay sheegayna in ay iyagu baaritaano ku hayaan arintaasi.

 

 Kala Soco Warar Xaqiiq ah www.Bartamaha.com