Maamulka Islaamiga ah Ee Deegaanka Mareerey oo xukun tacsiir ah ku filiyay deegaankaasi.

Posted on Jul 31 2009 - 8:43am by News Desk
Tweet
Pin It

tacsiirBartmaha(Sh.Hoose):-Maamulka Deegaanka Mareerey Ee Gobolka shabeelada Hoose ayaa xukun tacsiir ah ku filiyay laba ruux oo Ciidamada Alshabaab ay ku soo qabteen walxaha Maanka dooriya.

Maamulka Deegaankaasi Mareerey ayaa waxa ay si rasmi ah xukun Tacsiir ah ugu filyeen Labada Dhalinyara ah oo lagu soo qabtay xilli ay isticmaalayeen waxyaabaha maandooriyayaasha ah.

Fagaara ku yaala deegaanka Mareerey ayaa si rasmi ah loogu fuliyay xukunkaasi tacsiirta ah iyadoo 2-dhalinyarada ah lagu dhiftay 40-karbaash midbiiba.

Madaxda maamulka Deegaankaasi ayaa waxa ay wacad ku mareen in ay fulinyanaan dhammaan xukunada kala duwan Ee shareecada islaamka iyagoo haweenka ugu baaqay in ay xijaabka qaataan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.