Maamulka Gobolka Karkaar oo ka hadlay dil Xalay ka dhacay Qardho.

Posted on Nov 23 2009 - 2:24pm by News Desk
Tweet
Pin It

puntland logoBartamaha(Qardho):-Maamulka Gobolka Karkaar ayaa maanta faah-faahin ka bixiyay dil xalay ka dhacay Magaalada Qardho Ee Gobolka Karkaar.

Gudoomiyaha Gobolka Karkaar ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay ku baarayaan Kooxdii ka danbeysay dilka C/casiis Cismaan Faarax oo ahaa Sargaal Ciidamada ka mid ahaa oo Xalay la dilay.

Yoonis Cali Faarax oo ah Gudoomiyaha Gobolka Karkaar ayaa sheegay in ay wadaan Howlo baaritaana ah dhawaana ay soo qaban doonaa ragga dilka Sargaalka gfeystay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in la garanayo Kooxda dilka geysatay balse ay isku dayayaan in ay baxsadaan taasi oo uu sheegay in aanay u suurta gali doonin.

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Karkaar ayaa waxa uu imaanayaa xilli Kooxdii dilka Xalay gaysatay ay ku dhexdhuunteen bulshada reer Qardho oo aan illaa haatan la qaban Kooxdaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.