Maamulka Gobolka Gedo ee Dowlada Soomaaliya oo Beeniyay in qaar katirsan Ciidamadeeda ay isku dhiibeen Xoogaga Islaamiyiinta.

Posted on Sep 8 2009 - 2:32pm by News Desk
Tweet
Pin It

 Gudoomiye kuxgeenka 1aad ee Dowlada KMG ah Soomaliye ee Gobolkaasi Gedo Max’ed C/kariin oo Maanta shir Jaraa’id ku qabtay Degmada Doolow ee isla gobolkaasi gedo ayaa gaashaanka u daruuray islamarkaana waxkama jiraan ku tilmaamay hadal maalinimadii shalay kasoo yeeray masuul ka tirsan maamulka islaamiga ah ee Degmada Buurdhuubo  Gobolkaasi Gedo, Kaasoo sheegay in ciidamo katirsan kuwa dowlada KMG ee Soomaaliya oo wato tiro gaadiidka dagaalka ah ay isku soo dhiibeen ururka Xizbul islaam ee gacanta ku haya Degmada Buurdhuubo  ee Gobolka Gedo. 

Masuulkani u hadlay Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa hadalkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn, asagoona sheegay in aysan jirin ciidamo ka tirsan kuwa dowlada KMG ah ee soomaaliya eek u sugan gobolkaasi gedo oo isu soo dhiibay Xoogaga islaamiyiinta ah ee kasoo horjeeda.

Iskusoo wada duuboo Hadalkani kasoo yeeray Maamulka Dowlada KMG ah ee Soomaliya ee gobolka Gedo ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar tibaaxaya in ciidamo katirsan kuwa dowlada KMG ah ee Soomaaliya ee ku sugan gobolkaasi gedo oo wato gawaarida dagaalka ay isku soo dhiibeen xoogaga ururka Xizbul Islaam ee ka arimiya degmada  Buurdhuubo ee gobolkaasi Gedo

 

Kala Soco Warar Xaqiiq ah www.Bartamaha.com

 

Ismaaciil Cali

Kismayo-Somalia