Bartamaha(Muqdisho):-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay la wareegi doonaan guud ahaan Degmooyinka Gobolka Banaadir xilli Caasimada badankeed ay ka taliyaan Islaamiyiinta.
Gudoomiye Xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahim Shaweeye oo Saxaafada la hadayay ayaa waxa uu ku hanjabay in Magaalada ay ka saarayaan Kooxda Alshabaab iyo Xizbul Islaam maadaama ammaan daro ay Magaalada ka qadaan.
Shaaweeye ayaa sheegay in Amniga Magalada dhawaan lagu soo celin doono gacanta Dowlada Soomaaliya islamarkaan ay Ciidamada Dowlada u diyarsanyihii shaqo ay Shabaab ka qabtaan.
Gudoomiye Xigeenka ayaa sheegay in Maalin waliba Madaafiic ay Kooxdaasi ku garaacdo Xaafado Magaalada ka mida oo dad badan ay ku dhintaan isagoo ugu baaqau in arintaasi ay ka waantoobaan.
Masuulka Dowlada gaar ahaan Maamulka Gobolka u hadlayaya ayaa waxa uu ku faanay awooda Ciidamada Dowlada oo uu sheegay in muddo kooban ay Magaalada kula wareegi karaan
Muqdisho Caasimada Soomaaliya ayaa badankeed waxaa ka taliya Ciidamada Islaamiyiinta Alshabaab iyo Xizbul Islaam oo iskashanaya iyadoo Dowladsa Soomaaliya ay ku koobantahay goobaha ay la joogaan Amisom.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.