Maamulka Gobolka Banaadir oo dadka reer Muqdisho ka codsaday in ay ammaanka ka gacan siiyaan.

Posted on Feb 25 2010 - 8:15am by News Desk
Tweet
Pin It

gobalka[1][1]Bartamaha(Muqdisho):-Maamulka Gobolka Banaadir aya shacabka Muqdisho ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan cirib tirka Kooxaha Magaalada qabsaday.

Gudoomiye Xigeenka Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane C/salaam Daahir Cabdulle  ayaa shacabka Muqdisho ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan ammaanka guud ee Gobolka.

C/Salaam ayaa sheegay in haddii shacabka ay ganac siiyaan Ciidamada laga saarayo magaalada kooxaha qabsaday inta badan caasimada.

Gudoomiye Ku xigeenka Siyaasada G/Banaadir ayaa intaasi ku daray in ay iskaashi la samaysanayaan shacabka dagan degaanada ay ka taliyaan Mucaaradka si looga dulqaado dhibaatada maalin kaliya.

Gudoomiye Xigeenka Siyaasada Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay u baahanyihiin ganacta shacabka Muqdisho si ay Dowlada isku fidiso oo ay u gaarto dhammaan magaalada.

Hadalka Maam ulka Dowlada KMG ah ee Gobolka Banaadira ayaa imaanaya xilli magaalada Muqdisho inteeda badan ay maamulaan Kooxaha ALshabaab iyo Xizbul Islaam.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.