Bartamaha(Gaalkacyo):-Madaxweynaha Maamulka Gal Mudug ayaa magacaabay guddi dhanka ammaanka ka shaqeeya ka dib kul;amo wada tashi ah oo ka socanayay Magaalada Gaalkacyo.
Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin ayaa ku dhawaaqay guddi ka kooban qeybaha bulshada kaasi oo dhanka ammaanka ka qeybqaadanaya.
Madaxweynaha ayaa magacaabay gudigaasi ka dib kulan saacada qaatay uu la yeeshay Odayaasha dagan Koonfurta Gaalkacyo oo uu kala tashaday ammaanka guud ee deegaanada Gal Mudug.
Gudiga dhanka ammaanka Gal Mudug ayaa waxaa ka mid ah Odayaal iyo saraakiil hore oo dhanka Ciidamada ah iyadoo uu ka koobanyahay 5-xubnood oo si toos ah ula shaqeynaya Laamaha ammaanka Galmudug.
Waxaa dhawaanahan soo badanayay ammaan daro balaaran oo ka jirtay deegaanada Gal Mudug halkaasi oo dad dhowr ah lagu dilay gudaha Magaalada Gallkacyo.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.