Maamulka Gal-Mudug oo dagaalada ka dhacay Deegaano hoosyimaada Gaal-Kacyo ku tilmaamay kuwa Siyaasadeed.

Posted on Oct 4 2009 - 8:14am by News Desk
Tweet
Pin It

magaalada galkacyoBartamaha(Gaal-Kacyo):-Maamulka Gal-Mudug garab ka mid ayaa dagaalda ka socda Deegaano hoosyimaada Gaal-Kacyo ku tilmaamay kuwa Siyaasadeed fangareen Maamulna ay jirto.

Afhayeenka Maamulka Gal-Mudug garabka Madaxweyne Axmed Shariif Cali Hilowle ayaa shaaca ka qaaday in dagaalada ka dhacay Deegaanka Wankiira ay ahaayeen kuwa ay soo abaabuleen Madax sare ujeeda siyaasadeedna laga lahaa.

Axmed Baasto Afhayeenka Gal-mudug ayaa daaha ka qaaday in Ciidamada dagaalamaya oo beel ahaan u safan ay yihiin kuwa ay wataan garabka madaxweynaha kale ninka sheegtay .

 Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in ay muhiim tahay beelaha ay ka soo kala jeedaan Ciidamada Dagaalamaya in rasaasta ay joojiyaan islamarkaana aan howsha loo mutuxin Dagaal siyasadeed ka dhaca Gal-Mudug.

Masuulkaasi u hadlayay garabka Axmed Shariif ee Maamulka Gal-Mudug ayaa waxa uu hadalkiisa Imaanayaa xilli dagaalo maalmihii la soo dhaafay ay ka socdeen deegaano Koonfurta uga began Gaal-Kacyo.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.