Maamulka Dowlada Ee Gobolka Bay oo Alshabaab ku Eedeeyay dhac iyo caburin ka socota Baydhabo.

Posted on Oct 26 2009 - 9:01am by News Desk
Tweet
Pin It

baydhaboBartamaha(Baydhabo):-Maamulka Dowlada KMG ah ee dibad jooga ka ah Gobolka Bay ayaa waxa uu canbaareeyay Kooxda Shabaab oo uu ku sheegay in ay dhac ka wadaan Xaafadaha Magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha Gobolka Bay ee Dowlada Soomaaliya oo haatan ku sugan Deegaanka Yeed ee Gobolka Bakool ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Alshabaab ay dhac iyo baarasho ka geystaan Magaalada Baydhabo Idaacadihina ay xereen.

Mudane:C/fitraax Maxamed Geesey gudoomiyaha Gobolka Bay ayaa shaaca ka qaaday in Kooxda Alshabaab ay Magaalada Baydhabo dadka ku caburiyeen islamarkaana ay awood ku damiyeen Idaacadihi xaqiiqda ka hadli lahaa.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay hayaan cadeymo muujinaya ammaan darada ka taigan Magaalada oo ay ku suganyihiin Ciidamada Alshabaab oo xiliyada habeenkii ah dhac kula dhaqaaqa dadka socotada ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.