Maamulka Degmada Maxaas oo sharci daro ku tilmaamay hishiis dhawaan ka dhacay Degmadaasi.

Posted on Sep 15 2009 - 9:07am by News Desk
Tweet
Pin It

hiiraan-map-300x225Bartamaha (Maxaas) Maamulka Degmada Maxaas Ee Gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in aanay suurta gal ahayn hishiis dhexmara beel iyo Alshabaab taasi oo danaha gobolka ay uga hadlaan.

Aadan Cabdulle Cawaale Gudoomiyaha Degmaxa Maxaas oo la hadlayay warfidiyeenada ayaa waxa uu sheegay in maamulkooda aanay jirin cid ay kala hadleen danaha Degmadaasi iyo guud ahaan gobolka.

Gudoomioyaha ayaa sheegay in Alshabaab aanay awood u lahayn hishiis ay la gasho beel ka mida dadka Hiiraan balse ay muhiim tahay in danta gobolka ay kala hadasho dowlada dhexe EE Soomaaliya.

Aadan Cabdule Cawaale ayaa ugu danbayntii sheegay in maamulkiisa uu ku xeranyahay dowlada soomaaliya islamarkaana go’aan walba uu kla sugayo madaxweynaha iyo madaxda kale ee wakiilada gobolka ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.