Maamulka Degmada Afgooye oo ganacsatada amar adag dul dhigay.

Posted on Oct 8 2009 - 8:18am by News Desk
Tweet
Pin It

ganacsatadaBartamaha(Afgooye):-Maamulka Xizbul Islaam Afgooye ayaa ganacstada dul dhigay amar adag oo lagu farayo in ay isaga guuraan wadooyinka ay ka daganyihiin Degmadaasi Afgooye.

Amarkan ayaa la sheegay in ay baahiyeen madaxda Xizbul Islaam Afgooye kuwaasi oo kormeer saaka ku tagay Degmada Afgooye halkaasi oo horey ay u burburiyeen Goobo Ganacsi.

Saraakiisha Ciidamada ayaa durbaba bilaabay in ay handadaan ganacsatada oo ay ugu baaqaan in muddo Saacado gudahood ah ay ku faarujiyeen Wadooyinka ay dageen.

Dhinaca kale Maamulka Xizbul Islaam ayaa waxa ay sheegeen in ay dhaqaale ka qaadi doonaan ganacstada si loo dhiso suuq u gaar ah gudaha Magaaladaasi.

Bartamihii mishii Ramadaan ayay ahayd xiligii Xizbul Islaam Afgooye ay fulinayeen go’aano laga soo saaray goobaha ganacsiga Degmadaasi oo la sheegay in ay ku dhisanyihiin gobo sharci dara ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.