Bartamaha(Muqdisho):-Sheekh Mahad Cumar C/kariin oo ah Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Islaamiga ah Ee Gobolada Bay iyo Bakool ayaa markii ugu horeysay waxa uu shaaca ka rogay in ay safka hore uga jiraan dagaalada ka sii socda Magaalada Caasimada ah Ee MuqdishoÂ
Gudoomiyaha Cusub Ee Maamulka Gobolada Bay iyo Bakool ayaa sheegay in ay wadaan howlo ay gurmad ugu dirayaan Xoogaga ku jira dagaalada ka socda Muqdisho isagoo daaha ka qaaday in ay sii wadayaan dagaalada ay kula jiraan ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.
Wadaadka hogaanka cusub ah ee shalay oo kaliya aha gudoomiyaha Goboladaasi ayaa ku biiray hadalada hanjabaada iyo sii wadida gurmadyada dagaalada ka socda Muqdisho ee ka soo baxayay qaar ka mida madaxda Gobolada Ee Maamulada Alshabaab Ee Gobolada dalka soomaaliya.
Sheekh Mahad Cumar ayaa ku goodiyay in ay sii wadyaan howlaha ay kula dagaalamayaan Ciidamada shisheeyaha ah eek u soo duulay dalka soomaaliya iyadoo uu sidoo kale sheegay in ay iska caabindonaan dagaalada uga imaanaya dhanca Ciidamada Itoobiya iyo kuwa soomaalida ah eek u sugan xadka Itoobiya.
Hanjabaada cusub ee ka soo baxday Hoggaanka 24-Saacadood xilka haaya ee Maamulka Islaamiga ah Bay iyo Bakool ayaa imaanaysa xilli qeyba ka mida Goboladaasi ay ku suganyihiin Ciidamada Itoobiya oo wada qorshayaal ay ugu soo duulayaan Gobolada ay maamulaan islaamiyiinta Soomaalida ah.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â