Maamulka Alshabaab Degmada Balad-Xaawo oo albaabyada u laabay Xafiisyada Ururada Haweenka .

Posted on Nov 3 2009 - 8:14am by News Desk
Tweet
Pin It

alshabaab-new1Bartamaha(Balad Xaawo):-Xarakada Alshabaab Maamulkeeda Degmada Balad Xaawo ayaa xeray Xafiisyada Ururada Haweenka uana hanjabay qaar haweenka mid ah.

Maamulka Alshabaab Balad-Xaawo ayaa albaabyada u laabay Xafiisyada Ururada Haweenka iyagoo uga digay Kulamo qarsoodi ah oo ay yeeshaan Haweenkaasi.

Gudoomiyaha Alshabaab Degmada Balad-Xaawo Macalin Daa’uud Maxamed Gaarane oo Saxaafada la hadlayay ayaa qiray in ay ka danbeeyeen amarka lagu mamnuucay haweenka ay bixiyeen.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Haweenka aanay u banaanayn Kulamo u gaar ah islamarkaana ay shareecada ka soo horjeedo Kulamada ay danahooda uga hadlayaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.