Maamul Goboleedka Puntaland oo bandow ku soo rogay magaalada Gaal-Kacyo.

Posted on Aug 9 2009 - 8:29am by News Desk
Tweet
Pin It

woqoyiga gal-kacyo
Bartamaha (Gaalkacyo):-
Maamulka Dowlada Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah bandow xalay uga dhaqasn galiyay gudaha magaalada Gaal-kacyo Ee Xarunta gobolka Mudug.

Ciidamada Ammaanka Magaaladaasi ayaa xalay halkaasi ka waday roondooyin iyo baaritaano ay ku xaqiijinayeen ammaanka Woqooyiga Magaalada Gaal-kacyo.

Bandow bilaabanaya 9:30-fiidnimo ayaa lagu soo rogay woqooyiga magaaladaasi iyadoo ciidamo xoogan lagu soo dadiyay wadooyinka waxaana si rasmi ah loo joojiyay dhaqdhaqaaqii gaadiidka iyo ganacsiga deegaanka.

Maamulka Gobolkaasi ayaa xiliga ay amarka soo rogayeen waxa ay ku sheegeen in ay uga golleeyihiin sugidda iyo adkaynta ammaanka magaaladaasi oo dhawaan fal dil ah loogu geystay Wasiir ka tirsan Puntland.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomalaiyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.