Maamul Goboleed hor leh oo Hiiraan loo sameeyay.

Posted on Sep 28 2010 - 1:31pm by News Desk
Tweet
Pin It

Dabageed (1)Bartamaha (Muqdisho):-Maamulkii hore Ee Dowlada KMG ah ayaa ku dhawaaqay maamul Cusub oo ka hor’imaanaya Maamulo dhawaanahan loo kala dhisayay Gobolkaasi Hiiraan.

Yuusuf Axmed Hagar Dabageed Gudoomiyihii Dowlada Ee Gobolka Hiiraan ayaa daaha ka qaaday  in la dhisay maamul goboleed Cusub oo ka shaqeyn doona Gobolkaasi Hiiraan isagoo aan aqoon sanayn maamuladii dhawaanahan la dhisayay.

Yuusuf Dabageed waxa uu sheegay in Ciidasn xooga badan uu u diyaarsan yahay maamul Goboleed loo bixiyay DOOXADA SHABEELE kaasi oo ay ku dhiseen maalma ka hor Deegaanka Feer feer.

Dabageed ayaa cadeeyay in dhammaan beelaha dagan Gobolka ay ka dhex muuqdaan Maamulkaasi isagoo cadeeyay in ay diidan yihiin dadka dibad jooga ah ee ku dhawaaqanaya maamulada ku abtirsanaya Magaca Hiiraan.

“Xaq uma lahan dadka qurba joogta ah in ay magaca gobolka maamul ku samaystaan …anaga ayaa dalkii joogna oo aan dhinacna uga bixin mana naqaano wax qurbaha looga dhawaaqay oo aan loo dhameen….” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Masuulkan ayaa waxa uu sheegay in aanay Gobolka cag soo dhigi karin dadka qaadanaya magaca Hiiraan kuwaasi oo aan wax shaqa ah ka hayn dalka islamarkaana dusha ka eegan jiray dhibaatada ka tagan Gobolka.

Hadalka Masuulkan ayaa imaanaya xilli Gobolka Hiiraan horay loogu sameeyay maamul loo bixiyay Hiran State iyo mid kale oo lagu dhisay Magaalada London Ee Dalka Britain kuwaasi oo labadaba ah dibad joog.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected]