Ma isku Hiilinaa si aan Dawlad uu Noqono?

Posted on Jan 12 2010 - 5:32pm by News Desk
Tweet
Pin It

bartamaha-articlesW/Q/ Cabduraxman Baadiyow — Sida inta badan la ogyahay, shacbiga Somaaliyeed ma laheyn dawlad ka dhexeysa oo ka talisa dalka oo dhan intii ka horeysay isticmaarka, laakiin wuxuu lahaa deegaanno leh. maamullo madax banaan oo ay ka taliyaan madaxda dhaqanka iyo culimada Islaamka. Culimada iyo madaxda dhaqanku waxey kala lahaayeen door la yaqaan bulshada dhexdeeda oo ku dhisan iskaashi iyo isqadarin. Xukunkii dawladihii isticmaarku waxey soo kordhiyeen qaab xukun iyo xeer ku saleysan nidaamka reer galbeedka oo shacbiga Somaaliyed ayan aqoon u laheyn, kana soo horjeeda dhaqankooda iyo diintooda. Dawladii Somaaliyeed oo dhaxashay qaabkii xukunka isticmaarka, qawaanintiisii iyo nidaamkiisa dhaqan-dhaqaale 1960, ayaduna awood uma laheyn iney isbedel ku sameyso nidaamkaas. Sababaha awood daridda waxaa ugu weynaa aqoonta oo yareed, dhaqaalaha oo hooseeyay iyo wacyiga dawladnimo oo gaabnaa. Waxaa xusid mudan in haddii la is barbardhigo aqoontii Somaaliyeed ee waqtigaas jirtay iyo masuuliyadii dawladnimo oo ay qaadeen madaxdii waqtigaas, waxaa la dhihi karaa waxey sameeyeen waxyaabo lagu amaani karo, mudanna qadirin iyo xurmo. Laakiin, taas micnaheedu ma aha ineysan gelin khaladaad waaweyn oo ilaa maanta qaarkood laga gudbi la’ayahay loona bahanyahay in la iftiimiyo si aan loogu noqon.

Xukunkii Ciidamada qalabka sida oo xoog ku qabsaday talada dalka Somaaliya 1969 oo ay hadda ka soo wareegtay 40 sano, wuxuu iskudayay inuu isbedel ka sameeyo xaaladda calawsan ee Somaaliya. Fikirkoodu wuxuu kusoo jeeday in la bedello waddaddi hore oo isticmaarka laga dhaxlay iyo raggii hogaaminayay. Si uu isbedelkaas u sameesmo, maraxdii kacaanka ciidamadu wawey qaadeen waddo tii hore kasii qalooc badan oo lagu magacaabo “ Hawl iyo Hanti-wadaag”. Qaaditaanka waddadaas waxey keentay dawlad kali-talis ah oo cadaw la aha dhaqanka dadka Somaaliyeed iyo diintiisa Islaaamka. Waxaa gurbaanka loo tumay hirgelinta Hanti-wadaag aan la aqoon, waxaana xabsiyada loo taxaabay ruux kasta oo lagu tuhmo inuu kasoo horjeedo.  Waxaa sameysmay dawlad nin kaliya ahi ka taliyo oo sida uu rabo ka yeello. Dawlad aan dadka ka dhexeyn oo la kala leeyahay, dawlad aan dadka oo dhan aheyn muwaadiniin u siman xuquuqda iyo waajibaadka. Dawlad gumaadeysa dadkeeda oo u adeegsaneysa ciidamadii loogu tala-galay iney difaacaan, dawlad madafiic ku garaaceysa magaalooyinka dadku deganyihiin. Dhaqankaas guracan ee dawladnimo wuxuu sababay iney sameysmaan ururo hubeysan oo reero ku dhisan oo ay ka go’antahay iney dawladnimada qabsadaan si ayaguna markooda ay ugu amar ku taagleeyaan dawladnimada oo reerahudu uga xigsadaan reeraha kale. Wixii ka dhacay waaba la ogaa markii dawladii Somaaliya xididdada loo siibay 1991 oo shaydaanka xukun iyo xoolo boobka la wada raacay in yar oo Ilaahey ka bad-baadiyay marka laga reebo. Dhaqaankaas xukun-boobka ku dhisan oo 40 sanno ka hor u gudbay xoog xukun-ku-maquunis ayaa welli socda oo dhaqan u noqday inta xukunka boolida ah u ooman. Qoraga caaradiisa ayaa xukun lagu helaa ayaa la iska dhaadhiciyay, waxaa aan laga leexleexan in la daadiyo dhiigga aadamiga oo Ilaahey xarrimay in lagu daadiyo dulmi, waxaa dhaqan laga dhigtay in la booboo hantida dadka ka dhexeysa ee dawaldu leedahay iyo midda gaar ahaaneedba. Waxaa arinkaas lagu sameeyay magaca dawladnimada, magaca qabiilnimada iyo magaca Islaamka.
“Waxaa dadka ugu liita inta wax ku boobtay magaca Ilaahey oo dadka ku khiyaantay magaca Ilaahey iyo jaceelka Rasuulka Muxamed (NNK). Waxaa dadka ugu dambi weyn inta dhigatay shabakadda Islaamka oo xalaaleysatay dhiigga iyo xoolaha dadka”.

Hadaba, si Somaaliya uga badbaado xaaladaas waxaa loo baahanyahay in caqliga dib loogu laabto oo caqli xumidda la xakameeyo, in waallida lagu bedelo miir-qab, in xukun-boobka iyo xoollo-boobka farta lagu wada fiiqo. In dadka Somaaliyeed, wadaadkooda iyo waranlahooda, caamigooda iyo culimadooda, raggooda iyo dumarkoodu ay isla fahmaan, dhaqanna geliyaan iney ku yihiin shirko dawladnimada oo aan koox iyo ruux midna loo ogolaan inuu dhaco oo uu boobo. waxaana dhamaan ka dhexeeya dadkeynna dalka, diinta iyo dawladnimada (DDD). Shirkadnimadaasu waxey keeneysaa in laga wada tashado wixii dadka oo dhan ka dhexeeya. Dadka oo dhan ay ka tashadaan ragooda iyo dumarkoodu ayada oo aan loo kala harin.  Waxaa wada tashanayaa waa muwaadiniinta, waa qofqof ee ma aha qabaailka. Marka dawladnimo la joogo, qabiilnimadu ma ahan hal-beeg, qabaa’ilku waa sida ururo bulsho, dhaqan, degaan iyo dhalasho ama isla-dhaqan ku saleysan.  Jiritaanka qabiilka in la inkiro ma baabi’neyso qabyaaladda, laakiin, waxaan xadeyn kara waalidiisa xukun-doonka iyo eexda ku dhisan  hergelinta qawaaniinta dadka oo dhan usimanyahay. Taasna waa doorka dawladda laga rabo oo ilaa iyo hadda lagu kari la’ayahay kooxdii xukunka timaadaba. Waxaan ku baraarujinayaa shacbigeynna isbedelka fikirka u baahan labada arimood oo soo socota:

1. Tan koobaad waa in sax ah loo fahmo Islaamka oo ah diinta dadka Somaaliyeed. “Diinta Islaamka iskama laha wadaado  ama ururo magaca Islaamka qaatay ee dadka oo dhan ayey ka dhexeysaa oo wada aaminsan”. Doorka gaarka ah ee xarakadka Islaamka iyo culimada Islaamka waa iney inta aan Islaamka aqoon ay baraaran, masaa’ilka diinta ka jawaabaan, xaqqa iyo xaqq darida kala qeexaan. Waxaa laga rabaa iney tusaale u noqdaan bulsha inteeda kale oo laga arko akhlaaqdooda, Alle caabudka iyo u hogaansanaanta shareecada Islaamka. Sidaas waxey kala midyihiin aqoonyahaada kale sida dhaqaatiirka oo dadka daaweeya, injineerada kale duwan hawlahooda guta, culimada baratay maamulka iyo mareynta. Laakiin, wadaadnimadoodu xaqq uma siineyso iney xukunta boobaan oo dhahaan dhahaan annaka ayaa ku haboon. “Xukunka dadka Muslimiinta wuxuu ku dhisanyahay wada tashi sida Nabigeynu (NNK) sameeyay, Qur’aankuna amray “ wa shaawirhum fi al-amri”, waxaana loo dhibaa ruuxi loo doorto”.  Ruuxaasu shardi ma aha inuu caalim islaamka ku yahay, inuu cimaamad xiranyahay, laakiin waa inuu noqdaa ruux u hogaansama Islaamka iyo qawaaniinta aan khilaafsaneyn Islaamka sida dastuurada dawladaha loo sameyo. Ruuxa madaxa Muslimminta u noqonayaa waa in la doorto oo haddi u shaqadiisa uu kasoo bixi waayo laga ruqseynayo shaqada. Asaguna waa inuusan ku dhegin xukunka ee uu ogaado inuusan asagu laheyn xukunka oo dadkii iska lahaa haddii ay diidaan uu xaqooda usoo celiyo. “Sidaas waxaa sameeyay Madaxweynihii hore Adan Cabdulle Cusman oo inkasta oo aan lagu oqoon wadaadnimo, sharaf iyo hufnaan lagu bartay, tusaale fiicanna u ah Somaalida iyo Afrika, Ilaahey ha u naxariisto”.  Madaxda waa in lala xisaabtamaa, haddii wax fiican ay sameyaan waa in lagu taageeraa, hadii khalad ay galaan waa in la tilmaama, lana toosiyaa si kore iyo hoose intaba.  Islaamku ma qabo dhaqanka “Guulwadeynta” oo ah in mar kasta la taageero xukuumadda oo loo mashxarado. Sidoo kale ma qabo in mar kasta la mucaarado oo wax kasta oo xukumadu sameeyso laga arko dhanka xun. “Islaamku wuxuu ku dhisanyahay in wixii macruuf ah in la taageero, wixii munkar ah in la diido, lana dhaleeceeyo”.

2. Tan labaad, dadka wixii ka dhaxeya in koox gaar ah qaadato diin ahaan waa xaaraan, waxey la mid tahay boobka waxa dadka ka dhexeeya iyo dhaca waxyaabaha shirkada lagu yahay. Kooxdaasu ama ha sheegato magac dawladnimo, reernimo ama diineed. Mabd’a xoog adeegsiga iyo jajuubku ma ahan mid waafaqsan Islaamka. Waxaa aan sheegayo waa mabda’ guud ee islaamka oo haddii laga leexdo la dambaabayo. Sidaas ayaa Nabigennu yiri (NNK) xadiis micnihiisu yahay “qofkii imaan u noqda qawm [salladdoda] ayaga oo karaahsanaya salaadiisa kor loogama qaado madaxiisa” oo micnaheedu yahay lagama aqbalayo. Hadaba ka waramma ruux ummad dhan xoog ku qabsaday oo ayan rabin xukunkiisa meesha uu ka joogo Ilaahey agtiisa?  Waa ogahay in aqrisyaasha qaar ila aadidoonaan “baabka daruurada” oo ah marka muslimiinta loo baneeyay cunidda hilibka dofaarka, laakiin iney daruuro la joogo maxaa cadeynaya?  Ma waxaan dhihi karnaa 40 sanno ayaa Somaaliya daruuro ku jirtay? Ma waxaan dhihi karnaa jabhadii hubeysaa waxey ku jireen baabka daruurada? Ma waxaan dhihi karnaa kooxa ku dagaalamesa magaca Islaamka waxaa qasbaya daruurada mise ayaga ayaa sidaas aaminsan?

Gunaanadii, dhamaan xarakaadka Islaamiga waxey ku sameymeen fikrada ah in diinta Ilaahey dadka la baro si ay ugu dhaqmaan. Waajibkoodu waa iney kobciyaan fahamka Islaamka si dadku si xornimo ah Islaamku ugu dhaqmaan ayada oo aan la jajuubin.  Fikir kasta oo ku dhisan in wadaado kaliya dalka xukumaan inta kalena ka fogeeyaan xukunta iyo sidoo kale, in wadaadada laga fogeeyo xukunka waa arin aan shaqeynin. Waa fakir gaaban oo hawl-gab ah,  kaas oo kobcinayaa kala qeybsanaanta iyo seef la boodnimada. Fikirkaasu waa kan gaarsiiyay dhooqada iyo dhiigga Somaaliya ku dhexjirto oo horseedaya faragelinta shisheeye. Xukun boobka ma ku bedelnaa wada-tashiga? Xoog adeesiga wa ku bedelnaa wada hadalka? Intii aan hiil shisheeye dooni laheen, annagu ma isku hiilinaa? Caruurteyna ma u hiilinaa, dadkeyna ma hiilinaa? Aduunyadeyna iyo aakhiradeyna ma hiilinaa? Ma isku soo hilownaa!! Ma isku soo haanyoonaa!!

______

C/raxman Baadiyoow