Laba qof oo lagu dilay Gaal-Kacyo iyo Baaritaan socanaya.

Posted on Sep 28 2010 - 10:52am by News Desk
Tweet
Pin It

labaBartamaha (Gaal-kacyo):- Kooxo hubaysan ayaa Xalay dil bareer ah u gaystay laba qof gudaha Magaalada Gaal-kacyo Ee Gobolka Mudug.

Kooxo dablay ah ayaa xalay toogasho bareer ah u gaystay laba qof gudaha Koonfurta Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug halkaasi oo maalmihii u danbeeyay aanooyin qabiil la isku dilayay.

Laba qof ee xalay la toogtay ayaa la sheegay in ay ahaayeen dhalinyaro ka soo jeeda Koonfurta Magaalada kuwaasi oo Xaafada Wadajir lagu dilay markii lagala soo baxay guryaha ay daganaayeen.

Laba qof ayaa waxaa lala beegsaday rasaas qoryaha fudud ka dhacaysay taasi oo si bareer ah ay raggaasi dablayda ah madaxa uga toogteen labadaasi nin oo ka soo wada jeeda beel ka mida laba beel oo dagaalsan.

Ciidanka ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa baaritaan ka bilaabay Koonfurta Magaalada waxaana saraakiisha maamulka Gal Mudug ay yihiin kuwa la yaaban ammaan darada soo korodhay oo qaab qabiil gudaha magaalada la isugu jilayo.

Masuul u hadalay maamulka Gal Mudug oo talintiisa ku koobantahay Koonfurta Magaalada ayaa saxaafada u sheegay in ay kala dhex galayaan beelaha dagaalsan isagoo balan qaaday wax ka qabashada amniga magaalada Gaalkacyo.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected]