Muqdihso: Laba nin oo lagu toogtay Xaafada Buula Xuubey

Posted on Feb 28 2010 - 9:49am by News Desk
Tweet
Pin It

 

SOMALIA-CONFLICT/Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada AMmaanka Degmada Wadajir Muqdisho ayaa toogasho ku dilay Laba wiil oo dhalinyara ah kuna howlahaa aasida Miino.

Xili Xalay ay Saqdii dhex ahayd ayaa la sheegay in la dilay Laba wiil oo dhalinyara ah kuwaasi oo doonayay in ay Miino ku aasaan wadada dhinaceeda Xaafada Buula Xuubay Degmada Wadajir Muqdisho.

Laba Wiil ee Miinada dhigay ayaa waxa la sheegay in askarta Dowlada ee dagan Villa Baydhabo ay arkeen ka dibna ay ku toogteen goobta ay doonayeen in ay Miinada ku aasaan.

Laba Wiil maydkooda ayaa illaa Duhurnimadii maanta yaalay goobtii xalay lagu dilay iyadoo Ciidamada Booliiska ay dadka u sheegayeen in ay u fasaxanyihin in ay daawadaan oo kaliya .

Ciidamada waxa ay diideen in goobta laga qaado oo la iska aaso maadaama saqdii dhexe ee Xalay la togtay ragaasi waxaana la qaaday dhaawaca wiil kale oo ay Ciidamad isla Xalay ku dhaawaceen goobta.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Miino ay la qarxaysay Nin doonayay in uu aaso Degmada Waabari iyadoo 3-nin oo kale ay Bakaaraha kula qaraxday Miino ay aasayeen.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.