Bartamaha(Caabud-Waaq):-Kulankii dhawaanahan Culimada Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca uga socanayay Degmada Caabud-waaq ayaa fashil ku dhamaaday ka dib dagaalada Dhuusa-Mareeb.
Warar xaqiiqda ku dhow oo soo gaaray Xafiiska www.Bartamaha.Com Muqdisho ayaa sheegaya in lagu kala kacay kulankii Caabud-waaq ka dib dagaalada ka bilowday dhuusa-mareeb.
Kulanka oo shalay lagu doortay Gole Baarlaman iyo madaxdooda ayaa waxa uu saaka noqday mid meesha ka baxay ka dib markii Saraakiisha Ahlu Sunnah ay u kala carareen dagaalada Dhuusa-Mareeb.
Shirka ayaa shalay markii la xerayay waxaa ka taagna muran xoogan iyadoo Saraakiil badan ay diidanaayeen qaabkii loogu dhawaaqay baarlamanka oo u badan Deeganka Dhuusa-Mareeb iyo Guri-Ceel.
Warar madax banaan aya sheegaya in Siyaasiyiin caan ah ay lug ku lahaayeen Khilaafka shalay bilowday kaasi oo la sheegay in uu lugta la galay mid aan xal lahayn markii la dhisay Gole Baarlamaan.
Kulanka oo maanta la filayay in uu sii socdo ayaa waxa uu noqday mid meesha ka baxay markii dagaalka ka dhacay dhuusa-mareeb uu saamayn ka weyn tii shalay khilaafkii bilowday uu ku reebay
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.