Bartamaha(Muqdisho):-Kulan balaaran oo ay yeelanayeen waxgaradka maamulada Puntland iyo Gal-mudug ayaa maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Gaal-Kacyo si xl loogu helo sababtii dhalisay dagaalka Magaaladaasi ka dhacay.
Hoolka shirarka garoonka diyaaradaha ayaa waxaa isugu tagay min 15-xubnood oo ka kala socday Puntland iyo Gal-mudug si ay xal uga gaaraan dagaalka ka dhacay Magaalada Gaal-Kacyo.
Kulanka ayaa waxaa ugu horayn hadal ka jeediyay gudoomiyaha Gobolka Mudug Puntland Col. Axmed Cali Salaad oo shaaca ka qaaday in Puntland ay diyaar u tahay wada daganansho iyo ammaan la garo.
Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in Maamulka Gaal-Kacyo dhinaca Woqooyi aanay diyaar u ahayn dagaal ka dhaca magaalada iyo xurguf kala dhexeysa maamulka kale ee magaalada.
Dhinaca kale Gal-Mudug ayaa waxaa u hadlay shirka bilowgiisa gudoomiyaha Gaal-kacyo koonfurteeda Xasan Faarax Barre oo sheegay in aanay dhankooda dagaal bilaabin loona baahanyahay in wax walba miiska lagu xaliyo .
Dhina kale Saxaafada ayaa dibada loo soo saaray markii la galay kulanka wejigiisa ugu adkaa oo ay labada maamul hoos isugu dhigayeen sababta dagaalka keentay iyo qaabka loo turxaan bixin karo.
Maalinta birita ah ayaa loo balamay markii shirka uu dheeraaday oo galabta la soo gababeeyay iyadoo labada dhinac ay doonayaan xal sida ay saxaafada u wada sheegeen maanta inta aanu kulanka bilaban.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.