Bartamaha(Jidda):-Magalada Jidda Ee Dalka Sucuudiga ayaa waxaa maanta ka furmaya Kulanka Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya oo ka tashanaya arimaha dalka.
Kulanka ayaa waxaa soo xaadirtay in ka badan 30-dal iyo Ururo Caalami ah oo daneeya arimaha Soomaaliya kuwaasi oo ka tashanaya dalka Soomaaliya iyo xaaladihii ugu danbeeyay Ee Dalkaasi.
Kulanka maanta ayaa waxaa xiriirinaya Wakiilka gaar ah Ee Qaramada Midoobe arimaha Soomaaliya Ahmadu Walad Abdala iyadoo uu hadal ka jeedin doono Xoghayaha guud Ee Mu’tamarka Islaamka.
Kulanka maanta furmaya ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka qeybnoqdaan Koox cusub oo ka mida Isbahaysigii dib u xuraynta Magaalada Asmara kuwaasi oo la midoobaya Dowlada KMG ah.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo hadal ka jeedin doona kulanka Kooxda Xiriirka Caalamiga Soomaaliya aya waxaa la filayaan in uu kaga hadlo arimo dhowr ah oo Xaalada Soomaaliya ah.
Wixii kulankaasi ka soo baxa kala soco www.Bartamaha.Com
Soo gudbiyaha wararka sugan Ee Xaqiiqda ah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.