Bartamaha(Kismayo):- Kulankani oo ahaa mid xasaasi ah islamarkaan si wayn loosoo agaasimey ayaa waxaa dhamaan ka soo qayb galey wariyayaasha  ka howl gala magaalada kismaayo iyo waliba xafiiska warfaafinta ee maamulka wilaayada ee gobalada jubbooyinka kulankani ayaa waxaa is wayn looga furfurey sida ay uwada shaqayn lahaayeen wariyayaasha gobalka iyo maamulka magaalada kismaayo.
Waxaana Xafiiska warfaafinta uu wariyayasha u soo jeediyay ilaa iyo 11 qodob oo ay sheegaan in looga baahanyahay in ay ku shaqeeyeen wariyayaasha hasayeeshee falanqayn iyo dood dheer kadib ayaa waxay wariyayaasha qaateen qodobada uu u soo jeediyay maamulka iyadoona dhankooda qodobo soo jeediyeen.
waxaana qodabada uu maamulka soo jediyay oo garaayay ilaa iyo dhowr & toban qodob kuwaasi oo u qornaa sidan hoos ku qoran.
1-Â Waxaa laga doonayaa saxafi kasta in uu iska soo diiwaangelyo maktabka iclaamka ee wilaayada islaamiga ah ee jubooyinka.
2- Maktabka warfaafinta wuxuusan ogoleyn in la diro warar xasaasi ah oo dhibaato ka dhex dhalin kara Bulsahada.
3- Eraybixinta la adeegsanayo xilliga wararka la dirayo waa in laga qaataa maktabka iclaamka ee wilaayada jubooyinka.
4-Â Waxaa laga doonayaa saxafi kasta in uu sheego dhamaan qeybaha warbaahineed ee uu la shaqeeyo tusaale:- Idaacad, Website iyo TV IWM.
5- Waa in aysan wariyeyaashu xooga saarin dhinaca dhaliilaha ama dagaalada waa in ay raadiyaan horumarka.
6- Waa in lasoo maraa maktabka dacwada ee wilaayada inta aan la wareysan masuuliyiinta wilaayada eek ala duwan.
7- Saxafigii rabo meel in uu ka wareego oo uu meel kale u wareego waa in uu soo wargeliyaa maktabka iclaamka wilaayada.
8- In la sameeynayo kaarar aqoonsi oo cusub kuwii horena ay dhaceen oo aysan shaqeyneyn.
9-Â In la sameeynayo ilo wareedyo laga qaadanayo dhamaan wararka jiro.
10- In aan lala shaqeyn Karin dhamaan qeybaha saxaafadda kala duwan ee lidka ku ah habsami usocodka islaamka.
11- Qofkasta isaga ayaa masuul ka ah wixii uu qoro ama uu diro oo qalad ka yimaado.
Sidoo kale wariyayaasha ayaa iyagana waxay soo jeediyeen qodobo gaariyo ilaa afar qodob oo kala ahaa
1) Waa in wariyaha uu tabinkaro dhacdada dhabta ah ee markaasi jirta .
2) Waa in uu cadaalad buuxda ka baxsho xafiiska warbaahinta aqbaaraadka iyadoo aan look ala eegaynin wariyayaasha Idaacada Al-andulus ee maamulka hoostagta iyo wariyayaasha kale
3) waxii qalad ah ee dhaca waa in saxidoodu ay ka dhaxayso madaxa xafiiska warbaahinta iyo bahada saxaafadaÂ
4) waa in maamulku ku wargilayo dhamaan madaxda xafiisyada maamulka heshiiska ay gaareen maamulka iyo wariyayaasha .
Waxaa laisku afgartay guud ahaan qodobadii ay isla soo qaadeen labada dhinac waxaana wariyeyaashii ka qeybgalay kulanka ay sheegeen in ay si weyn u soo dhaweynayaan islamarkaasina ay ku faraxsanyihiin heshiiska ay la gaareen waaxda warfaafinta wilaayada islaamiga ah ee jubooyinka.
Â
Ismaaciil Cali Cabdi
www.Bartamaha.com
Kismayo-Somalia