Kulan qarsoodi ah oo looga tashanayay dagaalada Kismaayo oo xalay Muqdisho ka dhacay iyo qadka Telfoonka oo kulankaasi looga qeybgaliyay Madax sare Xizbul Islaam.

Posted on Oct 3 2009 - 10:03am by News Desk
Tweet
Pin It

xizbul IslaamBartamaha(Muqdisho):-Kulan balaaran oo xalay ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Saraakiisha Xizbul Islaam ayaa go’aan looga gaaray arimaha Dagaalada Kismaayo ka bilowday.

War lagu kalsoonyahay oo aynu ka helnay Sargaal sare oo ka mida Xizbul Islaam ayaa sheegaya in Ururka uu inta badan isku raacay in lala dagaalamo Kooxda Alshabaab .

Sargaal u sir waramay www.Bartamaha.Com ayaa sheegay in Madaxda sare Ee Xizbul Islaam ay islameel dhigeen in Magaalada Kismaayo dib loo qabsado hadii Ururka Alshabaab ay dagaal meel kale isku dayaan in si toos ah loola dagaalamo.

Kulanka ayaa la xaqiijiyay in Madax sare oo Xizbiga ka mid ah ay qadka Telfonka uga qeybqaateen kuwaasi oo dhammaan kala jooga Gobolada Dalka islamarkaan ay ogolaadeen in Magaalada Kismaayo awood lagu qabsado.

Xiliga kulanka uu bilaabanayay ayaa waxaa la sheegay in gogosha uu ka carooday Sheekh Xasan Turki oo ku sugan Deegaanka Afmadow ka dib markii ay is afgaareen Sheekh Ismaciil Cadow oo jooga Howdka Buula-Gaduud duleedka Kismaayo ka dib markii jabka dagaalka ay isku tuurtuureen.

Wararka Kulankaasi ayaa isa soo taraya iyadoo ay jiraan Saraakiil ku dhawaaqday in aanay dagal marnaba Alshabaab la gali doonin kuwaasi oo uu ku jiray Muuse Cabdi Caraale oo Balad-Weyne ku sugan.

Wixii Faaf-Faahin kulanka Xalay Gudaha Muqdisho laga abaabulay qadka Telfoonadana looga qeybqaatay ka soo baxa kala soco www.Bartamaha.Com oo haka dheeraan Insha Allaah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.