Bartamaha(Muqdisho):-Kulan xasaasi ah ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia waxa uu ku dhexmaray Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya iyo saraakiisha Ammaanka Muqdisho.
Wararka aynu ka heleyno xarunta Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in barqanimadii maanta halkaasi ay kulamo ku yeesheen sarakiisha Ciidamada dowlada Fd Soomaaliya iyo Madaxweyne Shariif kuwaasi oo ka wada hadlayay xaalada ammaanka Muqdisho iyo afduubka labadii sargaal Ee Faransiiska ahayd.
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa la sheegayaa in uu guddi u xilsaaray qaabkii loo baari lahaa isla mar’ahaantaana loo sii dayn lahaa sarakiil u dhalatay wadanka Faransiiska kuwaasi oo shalay lagu afduubtay caasimadda.
Madaxweyne Shariif Sh.Axmed ayaa guddi uu madax ka yahay Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu u xilsaaray baaritaanka qaabka falkaasi u dhacay iyo siddii loo sii dayn lahaa raggaasi faransiiska la haystayaasha ah.
Wararka ayaa intaasi ku daray in kulankaasi intii uu socday ay xiriira Madaxweynaha la soo sameeyeen Madax ka tirsan dowlada Faransiiska kuwaasi oo ka dalbaday in muddo kooban ay jawaab uga soo bixiyaan qaabka falkaasi uga dhacay goob ay dowlada ku xoogantahay.
Illaa haatan xaalada ragga la haystayaasha ah ayaa aad u cuslaatay iyadoo dowlada soomaliya ay u xer-xertay ilaaladii Hotel Saxafi iyo madaxdii Hotelkaasi qaarkood iyo Saraakiil iyo Ciidamo Maxkamadaha Dowlada raacsan ka mida balse haatan guddi soo baara falkaasi madaxweynuhu maanta magacaabay.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.