Kulan lagu midaynayay Beesha Mudulood oo ka dhacay Nairobi (Daawo Sawirada).

Posted on Sep 16 2010 - 6:18pm by News Desk
Tweet
Pin It

kulankaBartamaha (Nairobi):- Kulan balaaran oo aad loo sopo agaasimay ayaa ka dhacay magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya kaasi oo ay ka soo qeybgaleen Siyaasiyiin can ah.

Kulanka oo ahaa mid qada sharaf ah oo lagu maamuusayay Midnimada iyo Wada tashiga Dalada Beesha Mudulood ayaa waxaa halkaasi ka hadlay siyaasiyiin can ah.

Masuuliyiinta Kulanka ka soo qeybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa Siyaasiyiinta kala ah:-

Prof.Cali Maxamed Geedi Ra’iisul Wasaarihihii hore Ee Soomaaliya.

Ing.Cabdi Jiinow Maareeyihii hore Ee Dakada Muqdisho.

Muxudiin Xasan Afrax Gudoomiyaha Dalada Banaadir.

C/Kariin Maxamed Jimcaale Gudoomiyaha Xizbi Maamuleedka Dooy iyo Deex.

Xildhibaan Ibraahim Jeebo.

Gudoomiyihii Degmada Yaaqshiid Muxudiin Saabay iyo madax kale iyo Haween caan ah oo goobta ka muuqanayay.

Kulanka oo ka dhacay Hotelka Grand-Regancy Ee Magaalada Nairobi waxaa hadalo guubaabo ah ka soo jeedisay Shamso Cali Macalin oo ah haweenay firfircoon oo tirisa Heesaha iyo Baraanburada.

Ugu horayn kulanka waxaa daah fur u ahaa Masuuliyiinta abaabulka shirka oo uu qeyb ka ahaa Muxudiin Xasan Afrax oo ah Gudoomiyaha Dalada Beelaha Banaadir iyo xildhibaan Jeebo oo hadalo ay ku baaqayaan Midnimo ka jeediyay goobta.

Prof.Cali Maxamed Geedo Ra’iisul Wasaarihii hore Ee Dowlada KMG ah oo hadalo culus jeediyay ayaa goobta ka istaagay waxaana uu dalbaday in la abaabulo gudiyo farsamo si loo sii anba qaado Midnimada Beesha uu ka soo jeedo Ra’iisul Wasaaraha ee Mudulood.

Prof.Geedi waxa uu farta ugu fiiqay Odayaasha shirka joogay iyo siyaasiyiinta  sida ay Muhiimka u tahay in abaabul Midnimo la sameeyo iyo samaynta qorshayaal ay Beesha ku midoobi karayso.

Sidoo klale waxaa lagu soo dhaweeyay Micrphonka Gudoomiyaha Xizbiga Dooy IYO Deex Siyaasiga lagu magacaabo C/Kariim Maxamed Jimcaale oo ku hadlayay afka Xizbiga Dooy biyo Deex iyo Magaca  Jaaliyada Beesha Mudulood ee Caalamka.

Gudoomiyaha Dooy iyo Deex C.Kariim Maxamed Jimcaale waxa uu ku baaqay in Nabada la dhowro islamarkaana Midnimada Beesha si weyn looga shaqeeyo isagoo farta ku guday in loo baahanyahay dhismaha shuruuc Midaysa Beesha iyo Maamul wadaag guud oo la helo.

Ka dib Khudbada Masuulkan waxaa Micrphonka lagu soo dhaweeyay qaar ka mida waxgaradka Beesha Mudulood oo dhammaan wada raacay fikirka siyaasiyiinta qaarkood ay soo jeediyeen si Midnimo loo gaaro.

Shirkan oo daah fur u ahaa shirar badan oo ay beesha yeelanayso sida goobta laga sheegay ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaan natiijada Kulamadaasi ay soo baxaan.

Daawo Sawirada:-

meeting-nairobi (1)

meeting-nairobi (4)

2

1

kulanka

222

1

ku2

meeting-nairobi (7)


Kulan1