Kulan dhex maray Odayaasha Beelaha Jubooyinka iyo Alshabaab Kismaayo.

Posted on Mar 7 2010 - 10:09am by News Desk
Tweet
Pin It

KismaayosBartamaha(Kismaayo):-Maamulka Alshabaab Jubooyinak ayaa bilabay kulamo ay la qaadanayaan Odayaasha Beelaha Jubooyinka.

Madaxda Maamulka Cusub ee Jubooyinka ayaa kulan la qaatay Odayaasha Beela ka mida beelaha dagan Kismaayo iyagoo kala hadlay arimaha ammaanka.

waaliga wilaayada Xarakada Alshabaab Jubooyinka Sheekh Abuurkar Cali Aadan ayaa shaaca ka qaaday in ay guul muuqata ka gaareen wada hadalka ay la galeen Odayaasha Beelaha dagan Kismaayo.

Odayaasha aya waxa ay balan qadaen in ay diyaar u yihiin in deegaanadooda lagu dhaqo shareecada Islaamka iyagoo hadalo cabasha ah gaarsiiyay maamulka cusub.

Horay ayaa waxaa u jiray Kulamo looga hadlayay ammaanka guud ee deegaanada Jubooyinka oo ay qaateen saraakiisha Alshabaab iyo Odayaasha Beelaha Jubooyinka qaarkood.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.