Kulan ay yeesheen Maamulka Alshabaab Ee Gobolka Gedo iyo Hay’adda WFP kaasi oo looga wada xaajooday xaalada Abaaraha Gobolkaasi.

Posted on Jul 16 2009 - 9:23am by News Desk
Tweet
Pin It

alshabaab wfpBartamaha(Muqdisho):-Kulanka ay yeesheen Sarakiisha Alshabaab Ee Gobolka Gedo iyo Hay’adda WFP ayaa ahaa mid looga wada xaajoonayay xaalada abaaraha deegaanada gobolkaasi iyo joojintii gar-gaarka Ee Hay’addaasi dhawaan ku dhaqaaqday.

Masuuliyiin ka kala socday Hay’adaha WFP iyo Xarakada Alshabaab ayaa yeeshay kulan ay kaga wada hadlayeenarimaha Gobolkaasi ka dib markii hay’adda WFP ay gabi ahaanba hakisay raashin ay ka qeybin jirtay deegaanada Gobolkaasi Gedo.

Masuuliyiinta Alshabaab Ee Gobolkaaasi ayaa sheegay in dadka deegaanadaasi ay u baahanyihiin garab qabasho xoogan isla mar’ahaanataana ay xiligan deegaanadaasi ka taagantahay dhibato culus oo xagga nolosha ah.

Sheekh Maxamed Cismaan Dhagey oo ah madaxa arimaha Bulshada Maamulka Alshabaab Ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay kulankaasi ugu gudbiyeen hay’addaasi WFP dhibaatada dhabta ah ee ka taagan Gobolka Gedo isla mar’ahaanataan ay ka dalbadeen sidii ay u bilaabi lahayd raashin qeybintii ay halkaasi ka samayn jirtay.
Hay’adda WFP ayaa kulankaasi ka dib waxa ay ogolaatay in ay bilaabaan raashinkii ay u qeybin jireen shacabka ay abaaraha saameeyeen kuwaasi oo inta badan ku dhaqan Deegaanada Gobolkaasi Gedo.

Kulanka ayaa waxa uu yimid ka dib markii hay’adda WFP ay gabi ahaanba joojiyeen muddo KMG ah howshii raashinka ay ku siin jirtay shacabka Gobolkaasi taasi oo ay sabab uga dhigtay xaalada ammaanka shaqaalaha Hay’addaasi wallow maamulka Alshabaab ay balan qaadeen ammaanka shaqaalaha hay’ada WFP xiliyada ay howlaha ka wadaan Gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia