Bartamaha (Balad-Xaawo):- Kulan balaaran oo ay yeesheen maamulada Deegaanada Mandheera iyo Balada-Xaawo oo la isku afgartay sugida ammaanka Deegaanadaasi.
Kulankan oo ay yeesheen madaxda Degmooyinka Mandheera iyo Baladxaawo ayaa waxa uu ahaa mid looga tashanayay ammaanka labada deegaan oo bilihii la soo dhaafay ay ka taagnayd xaalad ammaan daro.
Sheekh Aadan Maxmed Bare oo saxaafada kula hadlayay gudaha Degmada Balad-Xawo ayaa sheegay in ay kulankaasi Degmada Baladxaawo kula yeesheen madax ka socotay Degmada Mandheera.
Sheekh Aadan Nuux ayaa sheegay in madaxda ka scotay Mandheera ay ka dalbadeen in la adkeeyo ammaanka Deegaanada u dhexeeya labada gobol iyadoo ay sheegeen in xaalada ammaanka ay tahay mid liidata.
Masuulkaasi ayaa sheegay in labada maamul ay isla meel dhigeen sugidda nabad galyada labada Degmo si looga hortago kooxaha qaska ka wada halkaasi oo dhawaan afduubyada isxigay ka sameeyay Mandheera.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.