Bartamaha (Muqdisho):-Kooxo baskoolado ku hubaysan ayaa xalay Degmada Waabari Ee Muqdisho ku dilay nin rayid ah oo la sheegay in uu daganaa goobta dilka uu ka dhacay.
Kooxaha Baskooladaha ku hubaysan ayaa waxaa la sheegay in ay dil u geysteen ninkaasi rayidka ah xilli uu ku sugnaa afaafka hore Ee hoyga uu ka daganaa Degmadaasi.
Ragga dilka geystay ayaa la sheegay in ay ka koobnaayeen 3-ruux kuwaasi oo rasaas ku kulmiyay ninkaasi taasi oo sababtay in uu u geeriyoodo dhaawac culus oo soo gaaray.
Qaar ka mida Dadka Deegaanka ayaa sheegay in dhawaan waraaqo digniin ah loo daadiyay dad badan oo dagmadaasi daganaa iyadoo la sheegay in magaca ninkaasi uu ku jiray dadka loo digay.
Inta badan Kooxaha Dowlada Mucaaradka ku ah ayaa waxa ay dilal kula dhaqaaqaan dadka ay ku tuhmaan in ay u shaqeyso Dowlada ama axiriir ay la leedahay.
Â
Xafiiska Bartamaha Warar Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.