Bartamaha(Muqdisho):-Kooxo hubaysan ayaa Xalay iyo saaka dilal kala gooni ah kula dhaqaaqay Laba dhalinyara ah gudaha Degmada Yaaqshiid Ee Muqdisho.
Dablay wijiyada Soo duubatay ayaa la xaqiijiyay in Xalay fiidnimadii hore ay nin rayid ah ku toogteen Xaafada Xamar Bile Ee Degmada Wardhiigley halkaasi oo la sheegay in maydkaasi la garan waayay.
Dhanka kale barqanimadii maanta ayaa Kooxo hubaysan ay ku toogteen Xaafada Gen.Daa’uud wiil dhalinyara ah oo ay halkaasi gaysteen islamarkaana muddo ay kula doodayeen Xaafadaasi.
Dilalka kooxaha hubaysan ay ka geysanayaan gudaha Muqdisho ayaa 48-kii Saacadood ee la soo dhaafay si weyn ay u sii kordheen iyadoo illaa 4-ruux ay dilalka bareerka loo geystay.
Xaafada inta badan dhawaanahan ay dilalka ku soo bateen ayaa waxaa si xoogan uga taliya Xoogaga Islaamiga ah kuwaasi oo aan la ogayn in dilalkaasi ay geystaan kooxahaasi.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.