Kooxo hubaysan oo Xalay gaari ka soo dhacay Degmada Mandheera.

Posted on Jan 9 2010 - 8:29am by News Desk
Tweet
Pin It

 

15437Bartamaha(Mandheera):-Kooxo hubaysan ayaa Xalay ka soo dhacay Degmada Mandheera gaari nuuxa raaxada ah iyagoo ula soo dhaqaaqay dhanka Soomaaliya.

Kooxo bistoolado ku hubaysan ayaa si gaadma ah waxa ay xalay fiidnimadii dhac ugu geysteen gaari nuuca raaxada ah xilli uu yaalay Hotel ku yaala Mandheera.

Kooxda gaariga soo dhacday ayaa waxa ay furaha gaariga kala wareegeen darawalka xilli uu doonayay in uu dhigto banaanka Hotel uu doonayay in  uu ka casheeyo.

Ragga dhaca soo geystay ayaa waxa ay gaarigaasi ula soo dhaqaaqeen dhanka Degmada Balad-Xaawo Ee Gobolka Gedo oo aan la garan halka ay ka sii geysteen.

Degmada Mandheera ee dhacda woqooyi bari Ee Dalka Kenya ayaa ah Deegaan ammaan ahaan aad u liitay iyadoo dhowr jeer ooh ore kooxo hubaysan ay u talaabeen oo ay ka soo geystaan dhac iyo afduubyo.

Islaamiyiinta Alshabaab oo gacanta ku haya Degmada B/Xaawo ayaa dhowr jeer ooh ore waxa ay balan qaadeen in ay ammaanka wax ka qabanayaan oo aan xadka si sharci dara ah looga talaabayn.

Maamulka Kenya ee Mandheera ayaa dhankiisa waxa uu sheegaan in ammaan darada ay sabab u yihiin dadka dagan deegaanada la jaarka ah Mandheera oo inta badan ay ka soo galaan kooxaha qaska iyo afduubyada ka sameeya Degmadaasi.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.