Kooxo hubaysan oo Saaka Gaal-Kacyo xasuuq ugu geystay Wadaado Tabliiq Bakistan iyo Soomaali isugu jira.

Posted on Aug 12 2009 - 7:33am by News Desk
Tweet
Pin It

woqoyiga gal-kacyoBartamaha (Gaal-Kacyo):- Kooxo hubaysan ayaa saala Salaadii subax waxa ay dilal ugu geysteen Masjid ku yaala Magaalada Gaal-kacyo culima tabliiq ah oo ka soo kala jeda Bakistaan iyo Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaal-Kacyo ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubaysan ay saaka salaadii subax masjid ku yaala Magaalada Gaal-kacyo ay dilal ugu geysteen ilaa 5-nin oo Tabliiq Soomaali ah iyo 3-Soomaali ah oo mid ka mida uu gadaal ka geeriyooday.

Ragga hubaysan ayaa la sheegayaa in ay afaafka hore Ee Masjidka Towfiiq Bartamaha Magaalada Gaalkacyo ay ku dileen Wadaadadan oo xiligaasi isku diyaarinayay Salaadii Subax.

Wadaada Tabliiqa ah Ee Saaka la laayay ayaa la sheegayaa in ay shalay soo galeen Gaalkacyo ka dib markii ay ka soo dhaqaaqeen Magaalada Hargaysa halkaasi oo ay masaajid ka daganaayeen iyadoo la shaaciyay in masjidkaasi oo ku yaala meel u dhexeysa labada maamul ay dageen.

Kooxaha hubaysan ayaa markii ay dilka geysteen ka dib waxa ay isaga dhaqaaqeen halkaasi iyadoo ay mayd ahaan ku hubsadeen ragga Tabliiqa u dhashay Bakistaan halka 3-Soomaali ah ay dhaawac ahaan uga tageen.

Illaa haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka maaamulada Puntland iyo Gal-Mudug maadaama magaaladaasi ay ka wada arimiyaan iyadoo goobta falka uu ka dhacay ay u dhaxeyso labada maamul.

Waa markii ugu horeysay Ee Culima tabliiq ajaanib ah lagu dilo dalka Soomaaliya iyadoo mararka qaar ay la kulmaan xarig iyo handadaad balse ay meel waliba oo soomaaliya ka mida ay u tagi jireen gaarsiinta Fariin diimeedka iyo baraarujinta shacabka.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.