Kooxo hubaysan oo galinkii danbe Ee Maanta nin rayid ah ku dhaawacay gudaha Suuqa Bakaaraha.

Posted on Aug 15 2009 - 6:23pm by News Desk
Tweet
Pin It

bakarahhhaBartamaha (Muqdisho):-Kooxo hubaysan ayaa waqti danbe oo galabta ah waxa ay dhaawac Culus u geysteen nin rayid ah gudaha Suuqa Bakaaraha iyagoo halkaasi ka kexeestay nin kale.

Kooxahan oo ku hibaysnaa  bastoolado ayaa galinkii danbe Ee Maanta waxa ay fal dhaawac ah gudaha suuqa ganacsiga Ee Bakaaraha waxa ay ugu geysteen nin rayid ah ka dib markii ay rasaas la dul tageen.

Ninka dhaawaca loo geystay ayaa waxaa la sheegayaa in uu ka soo baxay gudaha suuqa bakaaraha iyadoo la sheegay in xiligaasi ka hor ay ragga hubaysan ay nin ka qabsadeen wadadaasi islamarkaana ay la dhaqaaqeen.

Falkan dhaawaca ah ayaanan la ogayn waxa uu ku salaysanyahay iyadoo ganacsatada suuqa ay ku soo xoomeen goobta uu ku dhacay ninka dhaawaca ah oo muddo la aqoonsan weysnaa ka dib halkaasi laga qaaday.

Suuqa weyn Ee Bakaaraha oo xilli noqday goobta ugu badan dilalka gaadmada ah ayaa waxa xiliyadii ugu danbeeyay aad u yaraa falalkaasi shacabka iyo dadka dowlada xiriirka la leh lagula dhaqaaqayay dilka.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.