Kooxo hubaysan oo gaari ku rasaaseeyay Deegaano ka mida Gobolka Hiiraan.

Posted on Oct 6 2009 - 11:03am by News Desk
Tweet
Pin It

hiiraan-map-300x225Bartamaha (Balad-Weyn) Kooxo hubaysan ayaa lagu soo waramayaa in ay rasaas ku fureen gaari marayay duleedka Magaalada Balad-Weyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wararka Duhurnimadii maanta naga soo gaaray Magaalada Balad-Weyne ayaa sheegaya in kooxo hubaysan aya rasaas ku fureen gaari ka baxay Balad-Weyne inta u dhexeysa Deegaanka Ceel-Gaal iyo Kala-Bayr.

Kooxaha rasaasta ku furay gaariga ayaa la soo sheegayaa in ay ahaayeen Ciidamada Dowlada eek u sugan Deegaankaasi kuwaasi oo isku dayaya in ay dhac iyo baarasho baarigaasi kula dhaqaaqaan.

Illaa 3-ruux ayaa dhaac ahaan loola soo cararay Balad-Weyne kuwaasi oo la sheegay in rasaasta dablayda ay haleeshay iyadoo uu gaarigaasi ka badbaaday dhac ay doonayeen in Ciidamada ay kula dhaqaaqaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa xaalada ammaanka wadada waxa ay ahayd mid aad u xun iyadoo Ciidamada Dowlada ay mararka qaar dhac u gaysanayeen gawaarida safarka .

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.