Xizbul Islaam oo iclaamiyay dagaal ka dhan ah Alshabaab jubbooyinka

Posted on Feb 28 2010 - 9:35am by News Desk
Tweet
Pin It

xizbigBartamaha(Jubooyinka):-Kooxda Xizbul Islaam ayaa ku baaqday dagaal ka dhan ah Kooxda Alshabaab Jubooyinka xilli dhawaan khilaafka uu circa isku shareeray.

Sheekh Axamed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka mida Saraakiisha Xizbul Islaam ayaa sheegay in dagaalka ay sii wadaan inta ay ka xureynayaan Jubooyinka gacanta Kooxda ALshabaab.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu ku suganyahay Degmada Afmadow dhawaana uu weerar ku yahay Deegaano badan oo ay haatan ka talioyaan ALshabaab.

Sheekh Axmed Islaam ayaa sheegay in Xizbul Islaam uu ka mid yahay dagaalna ay diyaar u yihihiin in ay la galaan xilli waliba Kooxda Alshabaab oo dagaal ay kula galayaan Deegaanada vay horay u joogi jireen balse xeelad uu sheegay in ay uga bexeen.

Sargaalkaasi ka mida Xizbul Islaam ayaa ugu baaqay dhammaan Kooxdaasi askartooda in ay ka feejignaadaan isku day walba oo Koxda ALshabaab ay la maagantahay.

Axmed Madoobe ayaa wacad ku maray in Saraakiisha Alshabaab ay ku ugaarsan doonaan guud ahaan Dalka Soomaaliya meel walba oo ay ka joogaan.

Sargaalkan ayaa sheegay in Alshabaab ay dhaqamo qaldan ka samaynayaan Gobolada Jubooyinka una sii dulqaadan Karin Xizbul Islami dhibaatada ay kooxdaasi wado.

Waxa uu soo hadal qaaday Sargaal Raaskambooni ka mid ahaa balse haatan ganacsigiisa ku noqday oo uu sheegay in Tuulada Diif lagu gowracay oo madaxiisa meela kale loo qaaday.

Sargaalkan ayaa wacad ku maray in maalmaha soo aaday wacdaro ay ka dhigi doonaan Guud ahaan Gobolada Jubooyinka oo Cidian xoogana ay u diyaariyeen sidii loo sifayn lahaa Alshabaab.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.