Bartamaha (Gedo):- Maamulka Xizbul Islaam Ee Gobolka Gedo ayaa shaaca ka qaaday in ay sii kordhayaan ababulada dagaal oo ay wadaan Saraakiisha Dowlada Ee ku sugan dhanka Deegaanka Doolow.
Madaxa Arimaha Gudaha Xizbul Islaam Gedo Sheekh Maxmed Ibraahin Indha-Buur oo saxaafada magaalada Baardheere kula hadlayay ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan qorshayaal weerar ah oo ku soo wajahan dhanka Gobolka Gedo degmooyinka ay ka maamulaan Islaamiyiinta
Sheekh Maxmed Ibraahim Indha-buur ayaa sheegay in ay wadaan Ciidamada Dowlada iyo Masuuliyiintii la eryayay Ee Gobolada Juboyinka Bay,Bakool iyo Gedo sidii ay dagaal saf balaaran ah ugu soo qaadi lahaayeen Degmooyinka Gedo.
Wadaadkaasi ka mida Xizbul Islaam Gobolka Gedo ayaa ku hanjabay in ay madaxyada jari doonaan ciidamada lagu soo carbinayo Itoobiya Ee loogu talagalay in mujaahidiinta ay la dagaalamaan .
Warkan ka soo yeeray masuulkaasi Xizbul Islaam ka tirsan ayaa waxa uu imaanayaa xilli maaalmihii la soo dhaafay ay jireen Ciidamo Soomalai ah kuwaasi oo ku soo badanayay deegaanka ay isku biirsadeen Dowlada Ee Doolow.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomalaiyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.