Kooxda Qeylo-dhaan oo soo saarey heesta ‘’ Dib u dhiga Dastuurka’’

Posted on Sep 27 2010 - 6:21am by News Desk
Tweet
Pin It

dib u dhiga dastuurkaBartamaha (Minneapolis):- Kooxda qeylodhaan ayaa soo saartey hees  oo looga hadlaayo dastuurka cusub, heesta magaceedana waxaa la dhahaa dib u dhiga dastuurka cusub.

Heesta waxaa si wadajir ah u soo alifey Fanaanka caanka ah Jooqle Shire Jaamac , Abwaanka Cabdi Shire Jaamac’’Ciyaar jecel’’ iyo abwaan dhalinyaro ah oo la yiraahdo Axmed Calas.

Heesta waxaa si wadajir u wada qaadaya fanaaniinta kooxda Qeylodhaan iyo Fanaaniinta hobalada Soomaaliyeed ee degan  magaalada Minneapolis  dalka Mareykanka sida  Mahad indhodeero, Raxmo Ruuxi, Axmed Yare, Roda, Jooqle Shire Jaamac ‘’Ciyaar jecel’’,Axmed Sheikh Dahir ( John Daloori),Hodan Barandaro, Musigana waxaa u tumay Muqtaar Oromo.

Heesta waxay ka hadleysaa in waqtigaan aanan loo baahneyn in lagu mashquulo waxaan meeshaba oolin islamarkaana umadda Soomaaliyeedna u baahan tahay dhiig joojin iyo Nabadeyn dhab.

Kooxda Qeylodhaan iyo fanaaniinta kale ee Soomaaliyeed ee heestaan qaadaya waad ku mahadsan yihiin dhamaantood laakinse waxyaabaha umadda lagu jahwareerinaayo waxaa ka mid Federaal, gobalaysi iyo Diin, kuwaasoo dhamaantood looga dan leeyahay in umadda Soomaaliyeed lagu sii kale qaybiyo islamarkaana aysan soo noqon mar dambe wax la yiraahdo Dowlad Soomaaliyeed oo awood leh iyo shacab Soomaaliyeed ee midaysan.

Federaal  qabiil , Dastuur beenaad iyo mooro beleedyo kaabo qabiilo sheeganaya madaxweynayaal oo Ethopia kuligood kor kawada xukunto  (Made in Ethopia) iyadoo aysan jirin shacab Soomaaliyeed oo soo doortey oo aaminsan ama ay matalaan,ayaana hadane ujeedada  laga rabana ay tahey in dalka iyo dadkaba 20 sanadood oo kale lagu sii jahwarareeriyo dhibaatada kale , dhaqaala lagu bixiyay ay tahay malaayiin doolar oo laga af qabtey dadka Soomaaliyeed ee daadsan dalalka dariska iyo gudaha dalka ee u baahan gargaarka (UNPOS/ UNDP Funding Programmes in Somalia) .

Waxaa kale oo arkeysaa wadaadxume diinta Islaamka ka been sheegaya oo hadane dadka ku qaldaya dastuurka kale ma jiro aan ahayn shareecada Islaamka islamarkaana oranaya dastuurkeena waa shareecada islaamka oo aan ku dhaqano, arinkaasi waa sax in dalka iyo dadkaba diinta Allah lagu maamulo, laakinse sida ay u dhaqmayaan iyo sida ay sheegayaan markaan isku eegay waxaa isoo baxday eray uu maalin dhaweyd igu yiri nin odey ah oo aan saaxiibo nahay mar aan ka wada hadalney  wadaadada dalka Soomaaliya sheeganaya inay isku haystaan sidii loo maamuli lahaa iyo sidii umadda loogu dhaqi lahaa shareecada islaamka,islamarkaana diidan dastuurka muranka weyn soo kale dhexgaliyay dowlada Soomaaliya madaxdeeda asbuucyadii dhawaa ayuu igu yiri meel noo fiyoow oo aan ciirsano ma jirto, kuwii hore aragnay, kuwaana wadaado ma ahan wadaanta hala go’dee.

Marka shacabka Soomaaliyeed uma baahna jahwareer dambe iyo dhibaato kale, waxay ila tahay in loo gurmado sidii dalka oo dhan looga hirgalin lahaa nabada loona soo celin lahaa walaalnimadii Soomaaliyeed,iyadoo meel looga soo wada horjeesanayo kuwa fulinaya danahooda qaaska ah iyo danaha dariska IGAD iyo kuwa diinta ku qaraabanayo Alqaacida ah.

Soomaalidu waa  hal qoys, marka hal qoys uma qaybsami karo labo  iyo federaal qabiil ku dhisan laakinse la rabo in shaar kale loo galiyo umadda Soomaaliyeed oo dhan dan uma aha, federaal waxaa noqda qoowmiyado kale duwan oo isku yimid kuwaasoo kale af ah, kale diin ah, kale luuqad ah, kale dhaqan ah.

Heesta cusub halakaan ka dhagayso kana daawo:-

http://www.youtube.com/user/maitv1?feature=mhum.

W/D: Yusuf Mohamed Abdi Yusuf