Bartamaha(Wala-Weyn):-Ciidamada Alshabaab Wala-Weyn ayaa maanta howlgalo qabuura dumin ah ka sameeyay Degmada Wala-Weyn Ee Gobolka Sh/hoose halkaasi oo Masjidna ay ku dumiyeen.
Wararka aynu ka helnay Wala-Weyn ayaa Xaqiijinaya in Kooxda Alshabaab ay maanta qabuura badan ku sumisay gudaha Degmada Wala-Weyn Ee Gobolkaasi Sh.hoose
Illaa 13-Qabri oo uu ka mid ahaa qabriga Xaaji Cumar oo aasan in ka badan 500-Sano ayaa maanta dhulka lala simay iyo masjid laga dhisay goobta qabuuraha ay ku yaaleen.
Ciidamada duminta bilaabay ayaa la sheegay in Maamulka Alshabaab Wala-Weyn ay ka madax banaanaayeen balse markii danbe ay caawiyeen burburinta oo in mudda ah ka socotay Degmadaasi.
Qabuuraha iyo Masjidka Maanta la dumiyay ayaa waxaa la xaqiiniyay in horey lkooga afeeftay oo beelo Deegaanka ka soo jeeda ay kala hadleen Xarakada Alshabaab saraakiil sare oo ka mid ah wallow maanta dhulka lala simay qabuurahaasi.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.