Kooxda Al-shabaab oo la wareegay degmada Ceel-dheer ee Goballka Galgaduud.

Posted on Apr 23 2010 - 4:39pm by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

SOMALIA-CONFLICT/

Bartamaha (Nairobi):-Ciidamo ku hubeeysan 10 gawaarida dagaalka ah kana kooxda Al-shabaab ayaa gaaray degmada ceel-dheer ee Gobalka Galgaduud sida ay sheegan wararka ka imanaya halkaas

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in wax iska horimaad ah uusan ku dhaxmarin gudaha degmada Ciidamada Al-shabaab iyo kuwa Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca oo saacado ka hor isaga sii baxay degmada, waxaana la maqlayay oo kaliya rasaas ay cirka u ridayeen Ciidamada Al-shabaab markii ay gudaha u soo galayeen degmada.

Waxaa dhamaanba xirnaa goobaha ganacsiga degmada Ceel-dheer dadkuna waxaa ay dhag taagayaan waxa xigga saacadaha soo socda, maadaama laga yaabo in ay soo weeraraan Ciidamada Al-shabaab Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca oo aan sidaa ugu fogeyn degmada Ceel-dheer.

Waxaa jirra cabsi balaaran oo durbaba soo food saartay dadka degmada Ceel-dheer ee Goballka Galgaduud oo markii ay gudaha u soo galeen degmada Ciidamada Al-shabaab iyadoo xilli walba ay macquul tahay in deegaankasi ay dagaalo ka dhacaan.

Qabsashada degmada Ceel-dheer ee Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa ka dhigeysa in hadda Al-shabaab gacan ku heyso deegaanno badan oo ka tirsan Goballka Galgaduud, kadib markii labo maalin ka hor dagaal qaraar oo ay la galeen Xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ay kula wareegeen deegaannka Masago-waay iyo degmada Galcad, ilaa haddana ma’jirro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Saraakiisha Ahlu Sunna Waljameeca ee ku aadan qabsashada degmada Ceel-dheer.

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”

[email protected]

xafiiska wararka Baratamaha ee Nairobi.