Bartamaha(Muqdisho):-Kooxda Dariiqada Ahlu Sunna Wal-jameeca oo ka mida kooxaha gacansaarka la leh Dowlada Fd soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeesatay dalabkii Dowlada ay ku dalbatay Ciidamo shisheeye.
Sheekh Al-Ashcari o ah Afhayeenka kooxda Ahlu Sunna Wal-jameeca oo safaaxada la hadlayay Xilii uu ku sugnaa Deeganka Guri-Ceel ayaa waxa uu sheegay in aanay xal ahayn keenitaanka Ciidamo shisheeye gudaha dalka soomaaliya.
C/risaaq Al-Ashcari ayaa dowlada ugu baaqay in ay la dagaalanto kooxaha ka soo horjeeda isagoo sheegay in dhankooda ay garab siinayaan Dowlada isla mar’ahaantaana aan loo baahnayn kooxahaasi shisheeye ee dalka la keenayo.
Wadaadkaasi ka mida kooxda ay ishayaan Alshabaab ee la magax baxday Alhu-Sunnha ayaa sheegay in ay iyaga oo kaliya ay ka saareen alshabaab Deegaanada Gobolka Gal-Gaduud loona baahanyahay in dowlada ay gacan siiso xoogaga Ahlu-Sunnah sida uu sheegay afhayeenkaaasi.
Sheekh C/risaaq Al-ashcari ayaa ku baaqay in dowlada Fd soomaaliya ay kaligeed iska caabiso islaamiyiinta dagaalada wada isagoo ku goodiyay in dhawaan ay weeraro ku qaadayaan fariisinada Alshabaab Ee Gobolada dhexe.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia