Bartamaha(Muqdisho):-Sheekh Cumar Sheekh Maxamuud Faarax Guddoomiyaha Dariiqada Ahlu Sunna wal-jameeca oo shir jaraa’id ku qabtay Degmada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Gal-gaduud aya dowlada Soomaaliya ugu baaqday in ay si fudud ku soo afjaraan dagaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Kooxda Ahlu-Sunnah Sheekh Cumar Sheekh Maxamuud Faarax ayaa sheegay in ay si weyn uga xunyihiin dhibaatada sii daba dheeraatay Ee Shacabka reer Muqdisho ay kala kulmeen dagaalada ka socda Magaalada caasimada ah.
“Dowlada KMG ah waa dowlad sharci ah ,kualn balaaran iyo rabitaanka shacabka ayaa lagu soo dhisay ma xuma in ay dagaalo gasho balse waa in ay soo gaabisaa sil-siladda colaadeed ee haatan taagan waana in ay muddo u yeeshaa dagaalada ka socda Muqdishoâ€ayuu yiri Gudoomiyaha Kooxda Ahlu-sunnah Wal-Jamaaca.
Gudoomiyaha Kooxda Kooxda Ahlu sunnah ayaa ugu danbayntii waxa uu ku baaqay in dowlada Fd Soomaaliya ay ka joogto wax waliba oo dhibaata shacabka u keeni kara sida duqeymaha loogeysto goobaha qaar Ee Magaalada Muqdisho.
Hadalkan ka soo baxay Kooxda Ahlu-Sunnha Wal-Jamaaca ayaa imaanaya xilli Magaalada Muqdisho dagaalada ka socda ay noqdeen kuwa sii daba dheeraaday isla mar’ahaanataana aan laga gaarin wax natiija ah.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.