Kooxda Ahlu Sunnah Wal jamaaca oo dagaalada Kismaayo ku sheegtay kuwa loo baahnaa.

Posted on Oct 2 2009 - 8:34am by News Desk
Tweet
Pin It

ahlu-s Bartamaha(Dhuusa-Mareeb):-Ahlu Sunnah Wal Jamaaca ayaa shaaca ka qaaday in dagaalada Kismaayo ay yihiin kuwa waqtigooda ka soo dib dhacay.

Afhayeenka Kooxda Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca Sheekh C/laahi Yuusuf Al-Qaadi oo Saxaafada Muqdisho qadka Telfonka kula hadlayay ayaa waxa uu sheegay in dagaalada ka dhacay  Magaalada Kismnaayo ay ahaayeen kuwa loo baahnaa xilli hore.

Afahyeenka ayaa waxa uu sheegay in dagaaldaasi ay yihiin kuwa Xaqdarada ay Alshabaab Iyo Xizbul Islaam ku hishiiyeen fashilinaya islamarkaana bulshada tusaya in aanay wax diin ah lug ku lahayn.

Sheekh Abul-qaadi ayaa ugu baaqay dhammaan dadkii hore u taageersanaa kooxahaasi in ay arkaan fekerkooda Xukun jacaylka ah islamar’ahaanataana ay ka laabtaan taageeradaasi.

Afhayeenka ayaa ugu danbayntii sheegay in ay Ahlu Sunnah ka xuntahay shacabkii shalay lagu laayay Kismaayo iyadoo tilmaamtay in Hoobiyayaal ula kac loogu garaacay xaafadaha bulshada daganyihiin.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.