Bartamaha(Guri-Ceel):-Kooxda Ahlu-sunnah Wal-Jamaaca ayaa wacad ku martay in dhawaan Gobolka Gal-gaduud ka sifaynayaan Kooxda Alshabaab oo dhawaanahan maamulo u dhisaysay Gobolkaasi.
Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Fulinta Ahlu Sunnah Wal-jamaaca Sheekh Maxamed Yuusuf oo saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in aanay marnaba ku eegan doonin Alshabaab maamulada ay u dhisayso Deegaanada gal-gaduud.
GudoomiyahaGolaha Fulinta Ahlu sunnah ayaa intaasi raaciyay in ay qorsheynayaan la dagaalanka Alshabaab meel waliba oo ay ka joogaan dalka gaar ahaan Gobolka Culimada ay ka taliyaan ee Gal-gaduud.
“Maydadkooda ayaa illa hadda wadooyinka ku uruaya mana gartaan in ay joojiyaan dagaalka iyo duulaanka …maalin waliba iyagoo Cararaya oo wejiyada u xeranyihiin ayay yimaadaan deegaanada mana jiro maamul ay uga tagaan goobta ay gaaraan…â€ayuu yiri Wadaadka Ahlu sunnah u hadlay.
Hadalka Sargaalkaasi Ahlu sunnah u hadlayay ayaa imaanaya xilli dhaqdhaqaaqyo iyo maamul dhisid ay Alshabaab ka wadaan Deeganada kala duwan ee Gobolka Gal-gaduud oio qeyb ka mid ay ka taliyaan Ahlu sunnah.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.