Bartamaha (Garacad) Burcad badeeda Xeebaha Soomaaliya ayaa maxaabiis Burcad badeed ah kala wareegay Dowlada Seacheles ka dib ay isku fahmeen kala badalka la haystayaashaasi.
Diyaarado laba ah oo ka socday Dowlada Seacheles ayaa shalay xilli danbe ka soo dagay garoon macmal ah oo ku yaala Deegaanka Garacad Ee Gobolka Mudug halkaasi oo ay ka dhacday munaasabad la isku dhaafsanayay maxaabiis.
Dowlada Seacheles ayaa wareejisay 23-burcad badeed ah kuwaasi oo ay gacanta ku haysay dowladaasi muddo ka badan 9-bilood iyadoo la wareegtayla haystayaal u dhashay jasiiradaasi.
Ma jirin wax khilaaf ah oo soo kala dhexgalay labada dhinac wallow la sheegay in dowlada Kenya ay fashilisay isku day kala wareejin lagu waday in ay ka dhacdo Magaalada Nairobi.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.