Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Xarakada Alshabaab ayaa barqanimadii maanta wiil dhalinyara ah ka kexeestay Xaafada Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid.
Wiilka dhalinyarada ah ayaa waxaa lagu magacaabayay Axmed Khadar Yuusuf Cabdalla oo ay wada dhasheen Wariye C/risaaq Yuusuf Cabdalla (Kambaala).
Xiliga la wadanayay Wiilka ay walaalah yihiin Wariye c/risaaq Kambaala ayaa waxa ay wada joogeen Saxafigaasi oo labada lagu qabtay Bastoolado ka dibna ay labada walale ay ka kaxeesteen goobtaasi.
Muddo yar ka dib waxaa suurta gal noqotay in dib loo sii daayo Wariye C/risaaq Yuusuf Kambaala wallow ay halkaasi kala tageen kooxda Alshabaab ku abtirsata wiilka Axmed Khadar Yuusuf oo 24-jir ah.
Wiilka dhalinyarada ah ayaa waxa uu ahaa Mu’adinka Masjid ku yaala Xaafada Arjantiin ee Degmada Kaaraan ee Muqdisho oo aan la garan ujeedada ka danbeysay qabsashadiisa.
Waalidiinta dhalay wiilka dhalinyarada ah ayaa waxa ay muujiyeen walac aad u daran iyadoo aan illaa haatan la ogayn halkii ay la aadeen wiilka.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Xaafada Suuq Bacaad ku soo badanayay dilalka ay geysanayaan kooxaha hubaysan wallow Wiilka dhalinyarada ah ay maanta watteen Koox Alshabaab ka tirsan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â