Kooxo hubaysan oo barqanimadii maanta Hotelka Saxafi Ee Muqdisho ka afduubtay saraakiil u dhashay wadanka Faransiiska

Posted on Jul 14 2009 - 4:23pm by News Desk
Tweet
Pin It

hotel sahafiBartamaha(Muqdisho):-Kooxo hubaysan ayaa barqanimadii maanta Hotelka Saxfi ee Muqdisho waxa ay kala baxeen saraakiil Faransiis ah kuwaasi oo mudooyinka Muqdisho daganayd.

Kooxahan hubaysan ayaa waxa ay gudaha u galeen hotelka Saxafi halkaasi oo ay si awood ah u jiireen Ciidamadii ilaalada ka ahaa hotelkaasi ka dibna ay gudaha qolalkii ay daganaayeen waxa ay kala soo baxeen saraakiishaan Faransiiska ah.

Kooxaha Huabaysan ayaa la xaqiijiyay in ay wateen gawaari laba ah oo nuuca raaxada ah iyadoo si an la wada dareemin u qab-qabtay askartii ilaalada hotelkaasi ahayd ka dibna ay gudaha u dhaadhaceen halkaasi oo ay kala soo baxeen Labada Sargaal oo la sheegay in ay Faransiis ahaayeen.

Kooxaha hubaysan ayaa la sheegay7aa in ay u dhaqaaqeen dhanka Degmada Hodon Ee Muqdisho gaar ahaan guri ku yaala Deegaanka Taleex halkaasi oo la sheegay in ay geeyaan raga la afduubtay oo markii hore dadku ay u maleeyeen Suxufiyiin halkaasi dagan.

Illaa haatan waxa ay dadka reer Muqdisho la yaabanyihiin qaabka falkaasi uu u dhacay maadaama Hotelkaasi ay ka soo hor’jeedo xarunta CID halkaasi oo ay ku suganyihiin Ciidamada Booliiska iyo agagaarka KM.4 oo daaraha ku xeeran ay saaranyihiin Ciidamada Amisom.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.