Bartamaha (Kismaayo):- Alshabaab Kismaayo ayaa si cad u diiday dhismayaasha laga dhisayo gudaha Magaaladaasi.
Madaxa Dacwada Shabaab Kismaayo Xasan Yacquub Cali oo saxaafada la hadlayay ayaa daaha ka qaaday in la joojiyay dhisida dhismayaasha Cusub iyo Kala Iibisiga dhulalka.
Xasan Yacquub ayaa waxa uu sheegay in ay maamulkooda xalin la’yihiin dacwado fara badan oo dhanka dhulalka iyo dhismayaasha Cusub ah.
Masuulkan shabaabka ah ayaa waxa uu cadeeyay in dhismo cusub aan laga dhisi doonin Magaalada Kismaayo illaa amar danbo iyo go’aan ay gaaraan maamulka Magaalada.
“Waan mamnuucnay in dhismo cusub laga dhiso Magaalada Kismaayo…waxaan kaloo joojinay dacwadaha la xiriira dhanka dhulalka…” ayuu yiri Xasan Yacquub Cali.
Alshabaab ayaa go’aankan ka gaartay dhismayaasha Cusub Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose halkaasi oo dacwado badan oo dhanka dhismayaasha ay ka taagan yihiin.
Shabaabka ayaa waxa ay hore u diideen Haweenka ka shaqeeya dhismayaasha Cusub waxaana amarka haatan cusub uu noqonayaa mid saamayn ku yeesha dadka dhisan lahaa Magaalada Kismaayo.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
.