Bartamaha(Muqdisho) Hansa Stavanger oo ah Kabtankan markab nuucda xamuulka ah oo kooxaha burcad badeeda Soomaaliya u gacangalay bishii Abril ayaa waxa uu fariin deg-deg ah u diray Angela Merkel oo ah Ra’iisul wasaaraha Jarmalka isagoo ka codsaday in ay biiyaan lacagaha ay sheegteen burcad badeeda soomaaliya .
Kabtankja ayaa waxa uu ra’iisul wasaaraha Jarmalka ka dalbaday in waqtiga ugu macquulsan ay la soo xeriirto ama ay ka qeyb-qaadato bixinta lacagahaasi si loo badbaadiyo in ka badan Markabkaasi ayaa waxaa la socda 24-shaqaale kuwaasi oo ay k-shaqaala u dhashay jarmalka kuwaasi oo muddo ay gacanta ku hayaan burcadda badaha asoomaaliya.
Mr.Hansa Stavanger ayaa waxa uu tooshka ku ifiyay in shaqaalaha ay qaarkood caafimaad daro ba’an soo wajahday isla mar’ahaantaana aanay haysan gar-gaar iyo taakulo xagga noloshooda ah gacantana ay ugu jiraan rag aan waxba ka aqoon luqada iyo caafimaadka qofka intaba.
Sargaal u hadlay wasaarada arimaha dibada ayaa waxa uu sheegay in aanay ka jirin wax fariin ah oo si toos ah u soo gaartay balse ay ka arkeen warbaahinta qoraaladan codsiga ah oo uu soo diray kabtan u dhashay dalkooda jarmalka isla mar’ahaantaan ay u gudbin doonaan madaxda sare ee dalkaasi si wax looga qabto arimaha shaqaalaha la haystayaasha ah.
In mudda ah ayaa ay gacanta ku hayeen kooxaha burcad badeeda soomaaliya markabkaasi xamuulka kaasi oo sida xamuul kor u dhaafaya 20-kun oo tan kaasi oo u badan alaabaha dhismaha iyo dawooyin kuwaasi oo ay ka soo qaadeen qaarada aasiya.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.