Jon Tollefon: Dagaaladda ka socda Koonfurta Somalia waxaa ka mas’uul ah Kooxda Al-Shabaab.

Posted on Mar 15 2010 - 5:24pm by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

DSC06047

Bartamaha (Nairobi):- Jon Tollefon oo ka tirsan Mas’uuliyiinta Xafiiska arrimaha Bulshada qeebtisa Africa ee dowladda Mareekanka xaruntiisuna tahay magaaladda Washington ayaa maanta wariyaasha Soomaalida ah kula hadlay magaaladda Nairobi oo uu Jon Tollefon ku joogo safar gaaban isagoona ka warbixiyay warbixintii sanadlaha aheed oo ay soo bandhigtay Heyadda Xuquuqda aadamaha ee Human rights.

Jon Tollefon ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dowlada Mareekanka ay taageeri doonto dowladda KMG si ay meesha ooga saaran kooxaha uu ku tilmaamay in ay ku xiranyihiin ururka Al-Qa’ida.

“Dowladda Somalia waan taageeraynaa anagoo taageerada u sii marsiinayna ciidanka Midowga Africa ee AMISOM ee jooga Somalia” ayuu hadalkiisa ku daray Jon Tollefon.

Dhan kalle mar uu ka hadlayay tacadiyada loo geesto wariyaasha ayuu dowladd Goboleedka Puntland ku eedeeyay in ay mar walba xiritaan iyo jirdilba u geestaan wariyaasha ku sugan meelaha ay ka taliyaan Maamul Goboleedka Puntland isagoo carabka ku dhuftay dhibaatadii loo geestay wariyihii laanta Afka Soomaaliga ee VOA ee lagu xiray Maamul Goboleedka Puntland.

“waxaa jira Tacadiyo loo geesto dumarka qaxootiga ku ah Duleedka magaaladda Mogadishu iyo guud ahaanba meelo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliyaa iyadoo inta badan dumarka tacadiyada loo geesto ay ka soo jeedaan qabiiladda laga tiro badanyahay ayuu yiri Jon Tollefon oo wariyaasha kula hadlayay Nairobi.

Dowladda US waxa ay deeq ahaan soomaaliya u siisay 150 million si caawinaad loo gaarsiiyo dadka ay dhibaatada ka soo gaareen dagaalada iyo kuwa qaxa ku ah gudaha dalka sida duleedka magaaladda Muqdisho iyadoo inta badan lacagtan aan u marsiinayno heyadaha UNDP, WFP iyo ciidamadda AMISOM ee gudaha Soomaaliya ku sugan.

March 11 , 2010 ayay ku beegneed markii Heyadda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights waxa ay soo bandhigtay warbixinteedii sanadlaha ah ee inta badan looga hadlo tacadiyada loo geesto dadka rayidka ah.

Warbixinta ayaa lagu xusay dhibaatooyinkii sanadkii 2009 ka dhacay guud ahaan dalka Soomaaliya iyadoo inta badan tacadiyada loo geestay dadka rayidka ah ay ka dhaceen Koonfurta Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa in uu ka midyahay dalalka ugu xun ee dhibaatooyinka loogu geesto dadka radiyka ah sida Dumarka, caruurta iyo waayeelka.

Ibraahim Da’ud Abdalle

[email protected]

xafiiska bartamaha ee Nairobi-Kenya

DSC06018

DSC06053

DSC06005

DSC06038