Javier Solana iyo Sharma’arke oo kulan ku yeeshay Magaalada Brussales ee Dalka Biljam.

Posted on Oct 30 2009 - 8:14am by News Desk
Tweet
Pin It

sona iyo sharma'areBartamaha(Brussales):-Ra’iisul Wasaaraha Dowlkada Soomaaliya iyo Madaxa Siyaasada Arimaha Dibada Midowga yurub ayaa kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Brussales.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Sharma’arke iyo Javier Solana   ayaa waxa ay ka wada hadleen arimaha Dalka Soomaaliya iyo dhibaatooyinka xagga Maaliyada ee Dowlada soo wajahday.

Labada Masuul ayaa waxa ay si toos ah uga wada hadleen halkii ay martay dhaqaalihii ay balan qaadeen deeq bixiyaayaasha kulankii Magaalada Brussal.

Madaxa Siyaasada Arimaha Dibada Midowga Yurub Solana   ayaa balan ku qaaday in uu soo ogaanayo sababta dhaqaalahaasi dowlada loo siin waayay islamarkaana uu taageera buuxda la garabn istagayo Dowlada Soomaaliya.

Wada hadalka labada masuul ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli Dowlada Soomaaliya ay la soo derestay dhaqaala xummo baahsan taasi oo laga dareemay xafiisyada hay’adaha Dowlada.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.